Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerar qarax oo maanta lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Bisha Cas ee Imaaraadka.
Qaraxa ayaa haleelay mid ka mida gaari la socday kolonyada isagoo aan qasaare nafeed dhalin, laakiin waxaa burburay Gaarigii uu qaraxu qabsaday.
Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Sheekh Xamdaan Bin Zayid Al-nahyaan oo war cad kasoo saaray shilka qabsaday koox ka tirsan Bisha cas ee Imaaraadka ayaa sheegay in weerarkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin oo ka fog bani’aadamnimada in la beegsado shaqaale gargaar.

Wuxuu intaasi ku daray in Imaaraadka uu Soomaaliya u joogo inay kasoo baxdo waajib bani’aadamnimo iyo mid walaalnimo oo ay ugu gargaarayaan dadka Soomaaliyeed ee abaarta iyo gaajadu heyso, wuxuuna xiriir la sameeyay xubnaha bisha ee Imaaraadka ee shilku qabsaday.
Sheekh Xamdaan Bin Zayid wuxuu sheegay in qaraxa ka sokow rasaas ay ka dhacday goobta wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay in la cambaareeyo falkanm isla markaana sharciga la horkeeno kuwii ka danbeeyay.