Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq Qalab caafimaad oo muhiim ah u diray dalka Itoobiya, iyadoo qeyb ka ah shixnado loogu deeqay dalal kala duwan oo dunida ah.
Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda Al-itihad ayaa shalay ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Addis ababa, waxayna qalabka ka koobneyd: Qalabka caafimaad ee ay dhaqaatiirka xirtaan dhaqaatiirta la tacaalaya cudurka Coronavirus, Maasgaraha wejiga lagu xiro iyo qalab kale oo gaaraya 15 tan.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa uga mahadceliyey dalka Imaaraadka iyo hoggaamiyaha dalkaasi Maxamed Bin Zayid deeqda qiimaha leh ee uu dalkiisa soo gaarsiiyey, taasoo timid xilli ay aad ugu baahnaayeen sida uu yiri.