Talyaaniga ayaa mar kale laga soo weriyey tiradii ugu badneyd ee maalin qura u dhimata cudurka COVID-19 ee uu keeno Virus-ka Corona.
24-kii saac ee ugu danbeeyay ayaa dowlada Talyaaniga ay shaacisay inay ku dhinteen 627 qof oo cudurka COVID-19 uu haleelay, waxaana hadda dalkaasi uu cudurka Coronavirus uu ku dilay dad ka badan 4032 qof.
Talyaaniga ayaa dhowaan China kala wareegay tirada ugu badan ee dal ugu dhintaan cudurka Coronavirus, waxaana hadda sii socda dadka fara badan ee u dhimanaya cudurkan gudaha dalka Talyaaniga, iyadoo ay hadda cudurka sidaan 47,000 qof oo Talyaani ah.
Dalalka kale ee uu cudurka faraha ba’an ku hayo ayaa waxaa ka mida Faransiiska, Jarmalka, Spain iyo Mareykanka, halka maalintii labaad Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha laga soo weriyey inaan wax kiis ah oo Coronavirus ah laga diiwaan gelin.