Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay Soomaaliya usoo direyso ciidamo milateri oo gacan siin doona ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlagala, iyadoo ay noqon doonto markii ugu horeysay ee UK ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa shaaciyay in ciidamo gaaraya 70 askari ay u dirayaan Soomaaliya, ciidamadaas oo dhinacyo kala duwan ka taageeri doona ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana arrintan ay saameyn doontaa dalalka Soomaliya iyo Koonfurta Suudaan oo ciidamo dham 300 askari Ingiriisku u qoondeeyay inuu u diro.
Arrimaha ugu waaweyn ee ciidamada qaban doonaan waxaa kamida taageero farsamao oo ay siinayaan AMISOM iyo ka hortagga falalka argagaxisa iyo tahriibka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]