Cillad khadka Internetka ah ayaa saaka qabsaay Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya. waxaana si weyn hoos ugu dhacay awoodii Internetka oo saameyn ku yeeshay Ganacsigii iyo shaqooyin badan oo ku xirnaa.
Cilladdan ayaa bilaabaay Aroortii saaka waxaana la sheegay in dayactir lagu bilaabay Khadka Badda mara oo hore dhaawac u gaaray. Sharikadaha waaweyn ee Internetka bixiya sida Hormuud iyo Somnet ayaa khadkoodu shaqeyneynin, iyadoo macaamiishoodu u diray cudurdaar ku saabsan inay jirto cilad bixin socon doonta waqti aan la cayimin.
Wararka ayaa sheegaya in ciladda Internet-ka heysata ay timid xilli dayactir lagu bilaabay shaqo xariga Badda hoos mara ee Muqdisho keena Internet-ka; kaasoo go’ay sanadkii 2019.
Macaamiish Shirkadda SomTel ayaa heysta khad Internet ah oo aan xoog badneyn, iyagoo ku shaqeynaha khad ay hore u diyaarsadeen oo u gaara, waxaana interner la’aan ah magaalooyin badan.
