Thursday, June 26, 2025

Is-diiwaangelinta Deeqdii waxbarasho Hormuud Telecom 2020 oo saacad gudaheed ku xirantay

Deeqda waxbarasho ee ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ee ay bixiso Hormuud Telecom ayaa ku xirantay muddo saacad gudaheed ah markii ay furantay is-diiwaangelinta.

Diiwaangelintaoo furantay 10-kii subaxnimo ee saaka ayaa hore loo qorsheeyay inay xiranto Axadda Berri ama marka ay buuxsanto tirada la rabay oo ahayd 400, laakiin waxaa dhacday inay si degdeg ah oo aan la fileyn u buuxsantay, taasoo arday badan ay u soo baxday farriinta soo socota:

Isdiiwaangelinta Deeqda waxbarasho ee sanadka 2020 ee Hormuud Telecom Wey Xirantay

Is-diiwaangelinta oo ahayd mid si Online ah loo buuxinayay ayaa ardayda xiiseyneysay qaarkood ka buuxsantay iyadoo ay u harsan tahay inay diraan oo kaliya, waxaana daqiiqado kadib Hay’adda Hormuuud Foundation ay soo dirtay farriinta soo socota:

Waxaan ogeeysiineeynaa dhammaan ardeyda Soomaaliyeed iyo waalidiintooda inuu xirmay qabashada araajida ee deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ee sanadkaan 2020, insha allah waa inoo sanadka danbe.

Arrintan ayaa ugu wacan ardayda dooneysa deeqaha waxbarasho oo aad u badnaa, waxaana imtixaankii dowladda ee Dugsiyada Sare sanadkan 2020-ka ay u fariistay 34,600 arday.

Iyadoo ay Muqdisho ka jiraan Jaamacado ka badan 50 ayaa kaliya waxbarasho ku dhow lacag la’aan waxaa bixiya Jaamacadda Umadda ee Dowladdu maalgeliso, waxaana jira arday fara badan oo aan bixin kharashka Jaamacadaha oo Gobolka Banaadir iyo gobollada dalka ku nool.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON