Wednesday, June 25, 2025

Is-mari waaga Imtixaanka Dugsiyadda Sare ee Wasaaradda Waxbarashada & Dalladaha oo kasii daray (WARBIXIN)

Dalladaha Waxbarashada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay inaysan suuragal ahayn imtixaan mideysan oo laga qaado dugsiyada ay gacanta ku hayaan, waxayna 12 Dalladood eedeyn u jeediyeen Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya iyadoo uu ka sii darayo dagaalka ka dhashay arrimaha imtixaanka ee u dhaxeeya.

[row][double_paragraph]

Kulan kale oo Dalladuhu yeesheen waxay mar kale ku celiyeen  inaysan suuragal ahayn qorshaha xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada ay wado ee ah in imtixaan mideysan la qaado. Maxamed Cali oo ka socday Daladda SAFE wuxuu ku dooday in muddo 25 Sanno ay gacanta ku hayeen Waxbarashada dalka oo aysan maanta ogolaan doonin in loo gacan dhaafo Waxbarashada ay intaas soo maamulayeen. Muxyadiin Cumar Jimcaale wuxuu ka tirsan Dalladda kale  FPENS wuxuu isagu leeyahay  “Suuragal ma aha in xiligan la qaado imtixan mideysan, waan la hadalnay Wasaarada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowada iyo Baarlamaanka”.

dallad

“Hadii aan nahay Bulshada Rayidka waxaan diyaar u nahay inaan abaabulno banaanbaxyo aan ku diideyno imtixaan Mideysan “ sidaana waxaa yiri Odaygii Bulshada rayidka Cabduqaadir Ibraahin Gacal Abkow

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka  12-ka Dalladood waxaa akhriyey Aweys Sheekh Maxamed oo u dhigay sidan “Waxaa cad oo la wada ogsoon yahay doorka muhiimka ah ee ay Dalladuhu kaga jiraan waxbarashada iyo kobcinta maskaxeed ee ubadka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo Rubuc-Qarni ah ay waxbarashadooda gacanta ku hayeen, haddaba Dalladaha iyaga oo xog-ogaal u ah xaaladda uu wadanku marayo waxay cadeynayaan inaysan suuragal aheyn in la qaado imtixaan mideysan”. waxayna sabab uga dhigeen:

1. Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.
2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.
3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.
4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.
5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.
6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay wasaaradda iyo Dalladaha waxbarashada ku heshiiyeen hadda.
Warsaxaafadeedka ayaa Dalladaha soo saaray ee ku saxiixnaa ayaa waxay kala yihiin sida tan:
1. SAFE {Schools Association for Formal Education}
2. FENPS { Formal Education Network for Private Schools}
3. SOFEL {Somali Formal Education Link}
4. SOFE {Schools Organization for formal Education}
5. FPNES {Formal Private Education Network in Somalia}
6. SOFEN {Somali Formal Education Network}
7. SOFPEN {Somali formal private Education Network}
8. ABUHA {Academic Private Education Umbrella in Horn Africa}
9. SEDA {Somali Education Development}
10. MEU {Al ma’ m un Education Umbrella}
11. SNEFA {Somali Network Education for all}
12. SONI {Somali Network Institute}.

[/double_paragraph][double_paragraph]

Wasaaradda Waxbarashada dhinaceeda waxay ku adkeysatay in imtixaan mideysan laga qaadayo ardayda dugsiyada sare isla markaana imtixaanka dowladda diyaarisay ay qasab tahay in la galo haddii la doonayo shahaado rasmi ah inay helaan ardayda. Warkii ugu danbeeyay ee wasaaradu soo saartay waxaa lagu caddeeyay in imtixaanka dowladda uu yahay midka rasmiga ah ee lagu helayo shahaado waxbarasho looga heli karo dibadda.

Mas’uuliyinta Wasaaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Fedraalka Soomaliya oo 9-ka May 2015 ka qeyb galay barnaamijka Sahanka ee ka baxa Radio Muqdisho ayaa  kaga hadlay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan Waxbarshada Dalka. Madaxda ka socotay wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu hanjabay ardayda Soomaaliyeed ineysan heli doonin shahaado ay jaamacado dibadda iyo gudaha ku dhigtaan haddii aysan gelin imtixaanka dowladda Soomaaliya qaadeyso.

Waxbarashada

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada, Maxamed Cabdiqaadir Nuur ayaa sheegay in Ardaygii aan galin imtixaanka dowladda aan lasiin doonin shahaado uu dibada ku aado ama uu gudaha dalka wax kaga  barto. “Imtixaanku qasab ma ahan in lagalo, dadka kuma qasbana, qofkii rabaa galaayo waa xuriyad laakiin go’aanku wuxuu yahay oo aan rabo in uu qof kasta maqlo oo berito war ka imaanin” ayuu yiri Maxamed C/qaadir.

Wasaarada waxbarashada waxay si toos ah ula hadashay waalidiinta ardayda oo ay ugu baaqday inay ka fiirsadaan imtixaanada ay galayaan ardaydooda, iyadoo aan lagu qasbeynin inay galaan imtixaanka dowladda diyaarisay, kaliya cidii dooneysa shahaado rasmi ah ay tahay cidda gasha imtixaanka dowladda.

Wasaaradu waxay soo saartay foomam ardaydu ah tahay inay buuxiyaan si ay isugu diiwaan geliyaan imtixaanka ay qaadeyso. Arrintan ayaa u muuqata inay labada dhinac isku fahmi waayeen. Hore ayay labada dhinac ugu heshiiyeen imtixaanka wadajirka ah laakiin waxaa dib ka laabtay Dalladaha Waxbarashada ayaa u muuqda kuwo diidan inay raacaan go’aanka Wasaarada iyagoo ku doodaya inay muddo rubuc qarni ah iska heysteen meesha.

[/double_paragraph] [/row]

 

 

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON