Friday, July 18, 2025

Is-rasaaseyn ka dhalatay Diyaarad Qaadka Kenya ka dejisay Magaalada Laascaanood

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor imaad ka dhacay Garoonka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasoo ay maamusho Somaliland.

Is rasaaseynta ayaa timid kadib khilaaf ka dhashay Qaad ay siday diyaarad ka tagtay dalka Kenya oo halkaasi ay ganacsato geeyeen, waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay ilaa 4 qof.

Wararka ayaa sheegaya khilaafku ka dhashay macaashka Qaadka ay siday Diyaaradda iyo lacagta laga qaadayo canshuur ahaan, iyadoo Qaadka Kenya ku cusub yahay magaalada Laascaanood.

Diyaaradii Qaadka geysay magaalada Laascaanood ayaa rasaasta qaarkeed ku dhacday, waxayna ku degtay magaalada Gaalkacyo.

Qaadka Kenya laga keeno ayaa isu bedeshay ganacsi siyaasadeysan oo lacago badan laga helo, iyadoo loo xirayo dad gaara oo saaranaya lacago dulsaar ah oo madaxda sare si hoose laaluush ahaan u qaataan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON