Isbahaysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtadaa Sadr ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadii guud ee baarlamanka dalka Ciraaq.
Natiijada kama dambaysta ah ee Gudida Doorashooyinku soo saaray ayuu isbahaysiga Saa’iruun ka helay 54 kursi, waxaa kaalinta labaad galay Isbaheysiga Fatxi ee kooxda Xashdi uu helay 47 kursi, halka xisbiga Ra’isal wasaaraha talada haya ee Xaydar Al-Cabbaadi uu ku galay kaalinta saddexaad 42 kursi. Tirada Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka kooban 329 kursi.
Sadr oo ku caan baxay Wadaad si weyn uga horjeeda Maraykanka, isla markaana la dagalaamay ciidamada Mareykanka ayaa ah dhinaca kale wadaadka kaliya ee Shiicada ah oo aan xiriir fiican la laheyn Iiraan, balse Wadaadku ma noqon karo Ra’iisal wasaare isagoo aan isku sharxin wax xil ah, wuxuuse kaalin weyn ku yeelanayaa dhismaha xukuumadda cusub ee Ciraaq.
Muqtadaa Sadr wuxu isku dadka isku tusay inuu yahay nin musuqmaasuqa la dirira, waxaanu magaciisu soo shaac baxay markii maleeshiyada uu hogaaminayay dagaalka kala hortageen ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq galay sanadkii 2003-dii. Sidoo kale waa nin aad u dhaliila Iran.
Doorashooyinkani waa kuwii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo intii Ciraaq ku dhawaaqday in ay ka guulaysatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka bishii Diisember. Weli waxa jooga Ciraaq 5000 oo askari oo Maraykan ah oo taageerayey ciidamada dalkaas ee la dagaalamayey kooxda Daacish.
Isbahaysiga Saa’iruun ee uu ka midka yahay xisbiga Istiqaama ee Sadr waxa kale oo ka mid ah lix kooxood oo badankoodu yihiin Cilmaaniyiin oo uu ku jiro xisbiga Shuuciga ah ee Ciraaq.
Dhanka kalena, inkasta oo xisbiga Ra’isal Wasaare Cabbaadi aanu guul wayn ka soo hoyn doorashada, ayaa waxa suurto gal ah inuu hadana mar kale noqdo ra’isal wasaare maadaama oo ay socdaan wadahadallo lagu soo dhisayo xukuumadda cusub oo muddo sagaashan cisho gudahood ah lagu soo dhamaystiri doono.
Dadka u soo baxay codbixinta doorashada baarlamanka ayaa ahaa boqolkiiba 44.5 dadkii diiwaan gashanaa, waana mid aad uga hoosaysa tirada dadkii u soo baxay codbixinta doorashooyinkii hore.