Isbedel kale ayaa ku yimid shaqsiga loo magacaabayo jagada ra’iisal wasaaraha oo muddooyinkii danbe uu safka hore ku jiray wasiirka maaliyadda ee xukuumada kalsoonida ka weyday Baarlmaanka Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in kulamo aan kala kac lahayn oo xalay dhex maray madaxweynaha iyo kooxda la talisa ee saaxiibada la ah haddana markale xaaladu isbedeshay.
Kulankii Xalay kadib ayaa la sheegay in si adag lagu qanciyay Faarax Sheekh C/qaadir oo isagu watay Dr. Xalane, waxaana la sheegay in culeys weyni ka yimid Madaxweynaha Puntland oo soo maray dowladda Itoobiya, safar degdeg ahaa oo Faarax ku tegi lahaa Itoobiya arrintan darteed ayaa iska hakad la geliyay.

Kulankaas kadib ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u yeeray Cumar C/rashiid inuu si degdeg ah ku soo galo magaalada Muqdisho arrintaas oo loo fasiray in go’aanka magacaabista Cumar C/rashiid la qaatay. Goobjooge.com oo saaka la xiriirtay safaaradda Mareykanka ee Washington ayaa loo xaqiijiyay inuu Mudane Cumar C/rashiid u dhoofay Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu Talaadada soo gaaro Muqdisho.
Isbedeladda lama filaanka ah ee ku imaanaya go’aan qaadashada magacaabidda ra’iisal wasaaraha ayaa jahawareer geliyay madaxweynaha iyadoo saameyn weyn ay ku yeesheen kooxo iyo saaxiibo kala duwan iyo dowlado shisheeye.
Goobjooge.com
London
[ad name=”HTML”]