Maamulka Isbitaalka Digfeer ee hadda la magac baxay Erdogan ayaa sheegay inay joojiyeen lacag laga qaadi jiray dadka soo booqda bukaanada ku jira isbitaalkaasi, isla markaasina ay dhimeen lacagaha laga qaado bukaanada isbitaalkaasi taga.
Kulan ay ku casuumeen dhowr agaasime oo ka tirsan warbaahinta magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay agaasimaha Isbitaalka Erdogan Xuseen Nuur Muxamed in lacagtii la saaray dadkii booqdasyaasha ahaa la joojiyay iyadoo sidoo kale la dhimay lacagta laga qaado bukaanada laakiin lama shaacin tirada lacaga laga qaadi jiray iyo sida loo dhimay midna.
Isbitaalka Digfeer oo hore loo sheegay inuu yahay mid Public ah ayaa isu bedelay isbitaal qaali ah oo lacag aan tiro lahayn looga qaado dadka, waxaana laga deyriyay dhaqaatiir badan oon joogin arrimo qabsaday isbitaalka dartood. Dad badan oo ku jabay isbitaalka markii hore ayaa lagu soo rogay lacago kala duwan inay bixiyaan, taasoo ay qeyb ka ahayd dadka doonaya inay booqdaan bukaanada.
Arrinta ugu darran ayaa ahayd lacag laga qaado dadka booqanaya bukaanada ku jira isbitaalka Ordogan, taasoo warbaahinta qaarkood ee magaalada Muqdisho ay ceebeysay isbitaalka, waana tan keentay in isbitaalku tallaabadan qaado.
Goobjooge.com