Thursday, July 17, 2025

Isbitaalka Recep Dayib Erdogan (Ex. Digfeer): Waa u qalmaa in lagu Maamuuso Madaxweynaha Turkiga

Iyadoo magaalada Muqdisho looga diyaar garoobayo booqashada taariikhiga ah ee madaxweynaha Turkiga ku imaan doono caasimada Jimcaha ayaa qormadan waxaan ku soo qaadaneynaa mid ka mida mashaariicda muuqda ee uu magaalada Muqdisho ka hirgeliyay Turkiga.

Isbitaalkii Digfeer oo hadda qaadanaya magaca madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee Walaalaha Turkiga ay ka hirgeliyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho.

Digfeer11

Isbitaalkan oo dhinac kasta casri ka ah, isla markaana dabooli doona mida ka mida baahiyadii asaasiga u ahaa nolosha dadka waa mid lagu faani karo, wuxuuna Turkigu muujiyay inuu hormuud u noqdo taageerada dadka Soomaaliyeed xilliyadii ay ugu baahida badnaayeen, sidaasina ugama harin ee wuxuu fuliyay mashaariic waaweyn oo malaayiin doolar ah ka fuliyay dal aan weli cago badan ku taagneyn intii kalena ay ka maageen inay wax ku darsadaan.

Shaqsiyan Ra’iisal wasarihii hore ee Turkiga ahna madaxweynaha hadda ee Turkiga  Recep Dayib Erdogan mid fure u noqday badbaadinta dadkii Soomaaliyeed ee 2011 ku jiray xaalada macaluusha ah, waxaana socdaalkiisii August 2011 uu ahaa mid kheyreed oo dariishad rajo ah u furay Soomaaliya iyo Muqdisho.

Recep Dayib Erdogan wuxuu u qalmaa in lagu maamuuso wax ka badan in loogu magac  daro isbitaalkii Digfeer, laakiin waxaa cad inuu Turkigu ku qornaan doono xusuusta baalasheeda dahahiga ah.

001

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON