Tuesday, June 24, 2025

Isimada Garowe oo qaadacay shirka Qardho, kuna tilmaamay mid siyaasadeed [WAR-SAXAAFADEED]

Isimada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku kala qeybsamay shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaalida uga socda magaalada Qardho ee Gobolka Bari, waxaana shirkaasi mid siyaasadeed uu dano gaara laga leeyahay ku tilmaama Isimada Gobolka Nugaal oo war cad kasoo saaray  Magaalada Garowe.

Shirka ay isimada Puntland ku yeesheen  Garowe ayaa laga soo saaray qoddobo si weyn loogu diidan yahay Shirka kale ee Duubabka Soomaalida qaarkood uga socda degmada Qardho oo uu furay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Isimiada Garowe ku shiray waxay shirka Qardho ku tilmaameen mid siyaasadeed oo lagu kala qaybinayo isimada Puntland, waxayna soo saareen qodobo ay ka mid yihiin:

1.   Waxaa madashada fadhiga, isimada Puntland ee Garowe u mahadcelinayaan dhammaan isimadii iyo waxgaradkii sida joogta ah nooga lasoo xiriirayay deegaanada kala duwan ee Somalia, si ay xaqiiqda shirkaasi u ogaadaan, kuna qancay inaan shirkaasi ahayn mid dhaqan kaliya ah

2.       Waxaana hay’adaha Qaramada Midooba iyo madaxda dowladda Federalka ee hanka siyaasadeed ee 2016 ku jiro, ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan arrimaha dhaqanka ee Puntland

3.       Isimada madasha Garowe, waxay isla garteen cawaaqib xumada ka timaada shirkaas, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh, ciddii abaabusha ama dhaqaalaysay

War-saxaafadeedka Odayaasha Garowe waxaa ku saxiixnaa 21 oday dhaqameed iyo Isim oo kala ah;

1.       Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse

2.       Garaad Cabdullaahi Cali Ciise

3.       Boqor Cabdullaahi Axmed Cali

4.       Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

5.       Suldaan Siciid Maxamed Maxamud (Irbad)

6.       Islaam Axmed Islaam Maxamud

7.       Garaad C/llaahi Dacar (Tamaam)

8.       Ugaas C/qaadir Cilmi (Filig)

9.       Suldaan C/salaam Suldaan Maxamud

10.   Suldaan Nuur Suldaan Maxamed Aadan

11.   Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

12.   Suldaan Bashiir Muuse (Konte)

13.   Suldaan Siciid Maxamed (Garaase)

14.   Suldaan C/llaahi Saalax Cumar

15.   Islaan Mahad Islaan Maxamud Cilmi

16.   Suldaan Maxamud Xasan Cumar

17.   Suldaan Maxamed Suldaan Axmed

18.   Islaan Maxamed Maxamud Cali

19.   Garaad C/rashiid Garaad Ismaaciil

20.   Islaan Maxamud Islaam Yaasiin

21.   Suldaan Axmed Bashiir Ducale.

Shirka Qardho oo uu gogosha fidiyay  Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ka qeyb galaya duubab dhaqameed Soomaaliyeed oo isaga yimid degaanada Soomaalida.

Arrintan ayaa soo shaac bixineysa sida Isimada Puntland ugu kala qeybsan yihiin xaaladda kala guurka ah ee dalku galay, waana xilliyada Siyaasadda iyo dhaqanku is dhex galaan.

bAYAAN

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON