Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afraad orod ugu jira inuu sii hayo talada dalka yare ee Geeska Afrika ee Jabuuti, waxaana olole balaaran uu ka wadaa doorashada dalkaasi ka dhici doonta Bisha April ee fooda nagu soo heysa.
Dalka Jabuuti waxaa ka socda isu soo baxyo ballaaran oo intooda badan lagu taageerayo musharaxnimada ay caddahay inuu xilka sii heyn doono ee Ismaaciil Cumar Geele oo dad badan u arkaan inuu xaalkiisu yahay” NIN DOORAN OO LA DOORANAYO”.
Waxaa xilka kula tartamaya lix murashax oo aan rajo badan ka qabin kursiga u xalaaleysan Mudane Geele. Jabuuti ayaa ah dal yar oo dalal badan ay daneynayaan isla markaana saldhigyo milateri ay ku leeyihiin dalalka reer Galbeedka iyo Shiinaha ayaan weligiis helin qaab dimoqraadi ah oo xilka loogu loolamo.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xilka qabtay sanadkii 1999 isagoo kala wareegay abtigii, marxuum Xasan Guuleed Abtidoon . Waxaa Ismaaciil Cumar Geele dib loo soo doortay sanadihii 2005 iyo 2011; oo doorashooyin muran badan ka dhashay oo dib ugu hantiyay xilka.
Goobjooge.com