Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay soo dhoweyntii ugu weyneyd oo ahayd mid aan hore loo arag, iyadoo ay Garoonka ugu tageen madaxdii ugu badneyd ee dalka.
Waxaa Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uliyiintii ugu badneyd Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, Waxaana horkacayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul wasaaraha, Guddoonka Aqalka sare, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada qaarkood, Wasiiro, xildhibaanno, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha Bulshada.
Labada mas’uul ee ka maqnaa soo dhoweynta Madaxweynaha Jabuuti ayaa kal ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shaqo ku jiray iyo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo Muqdisho ku sugnaa.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa la filayaa inay xariga ka jaraan Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga ee Muqdisho.