Waxaa la shaaciyay natiijada doorashadii dalka Jabuuti, waxaana markii afraad dib loo soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo helay 68% codadii la dhiibtay.
Ra’iisal wasaare C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa shaaciyay in codadkii la dhiibtay iyadoo Madaxweynaha iminka haya talada Ismaaciil Cumar Geele uu helay 68%, halka musharaxa ku xiga oo ka socday xisbiga USN Cumar Cilmi Kheyre isna uu helay 32%.
Natiijooyinkan ayaa horeba loo filayay, waxaana uu madxaweyne dalkaasi ka noqday sanadkii 1999. Saddex xisbi oo mucaarad ah ayaa waxa ay qaadaceen doorshada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mudane Geelle inuu dadka Jabuuti ku hayo cadaadis.
Natiijadii ugu danbeysay ee codadka la dhiibtay waxaa sida soo socota:
Ismaaciil Cumar Geele wuxuu helay 86.68% codadkii la dhiibtay.
Cumar Cilmi Kheyre 7.32%
Maxamud Daa’uud Shixin 2.28%
Tuur Tuur 1.53%
Xasan Idiris 1.39%
Craxmaan Jaamac 0.74%
Goobjooge.com