Maalmahaan dambe waxaa isgaarsiinta Afka Soomaaliga ku soo kordhay isticmaalka erayga “Dadka Afka Soomaaliga ku hadlo” oo ay dhici karto in dad badani aaney oraahdaas macnihaheeda si hoose u aqoon ama kuwo kale oo isu heysta inay yihiin Af-maal heerka sare ka garay eray bixinta Afka Soomaaliga.
Dad badan oo warbaahinta bulshada wax ku qora ayaa dhaliil u soo jeediyay isticmaalka eraygaas oo aad ula yaaban meesha eraygaasu naga soo galay ayadoo siyaabo kala duwan loo macneeyay. Dadka qaar kalena waxaa la mooda inay ku saxsan yihiin isticmaalka eraygaas oo haddii la weydiiyo aaney meel saari karin macnaha isticmaalka erayga.
Dad baa waxay soo jeediyeen in gebi ahaanba la joojiyo isticmaalka eraygaas,
Geeska Afrika waa geyiga ay ummadda Soomaalida qarniyaal deggenaayeen hadana ku dhaqan yihiin ummaddaas oo ah dad isku mid ah, isku diin ah, isku dhaqan ah, isku degaan cimilo mid ah leh, muuqa aan la kala garaneyn oo isku hooyo iyo aabe ah. Qarnigii 19aad sannadku mar kuu ahaa 1884 ayaa Shirkii Berlin gumeystayaasha reer Yurub ku kala qaybsadeen dadka iyo dalka Soomaalida ayadoo dalka loo qaybiyay 5 meelo sida British Somaliland, Italian Somaliland, French Somaliland. Mar dambe ayaa qaybo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalida ay Britain ku wareejisay Ethiopia iyo Kenya.
Fekerka gumeysiga oo dabeecad ahaan ku dhisan qaybi oo xukun oo Soomaalida lagu kala qaybiyay ujeedada ka dambeysay waxay ahayd in dadkani dhaqanka laga dilo oo dirka Soomaalinimada laga burburiyo oo dhexdooda isu arkaan inay kala duwan yihiin oo aaney wax isir iyo xigaalo ah toona wadaagin.
Umadda Soomaalida wixii ka haray Jumhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa maanta ku socdo mashruuc dalka iyo dadka lagu kala qaybinayo oo Gobolgobol oo Gobol kastaba lahaanayo madaxweyne u gaar ah.
Haddii aan u soo noqdo biyo dhaca qoraalkeyga waxaan ula jeeda in cida curisay erayga “Dadka Afka Soomaaliga ku hadla” ay noo macneyso eraygaas iyo ujeedadiisa.
Ajaanibta ku hadla Afka Soomaaliga oo weliba meel sare ka gaaray waxa ka mid ah Mr. Georgi Kapchits oo u dhashay dalka Ruushka, gabadha lagu magacaabo Tanya oo Afka Soomaaliga ku heesta oo u dalatay dalka Norway, gabadha lagu magacaabo Stacy oo la baxday Fahiima una dhalatay Mareykan iyo kuwo kale oo u kala dhashay Jarmal iyo Holland.
Dadka isticmaala erayga “dadka afka Soomaaliga ku hadlo” waa inay u macnayeen haddii ay garanayaan cida ay ula jeedaan kuwa aan kor ku soo sheegay ee ajnabiga iyo haddii ay ula jeedaan Soomaalida isticmaarku kala qaybiyay hadana kala qaybinayo ama ula jeedaa ummadda Afka Soomaaliga u dhashay.
W/Q: C/qaadir Walaayo
HOOS KA DAAWO AJAABIIB KALA DUWAN OO KU HADLEYSA AF-SOOMAALI
American Speaking Somali
https://www.youtube.com/watch?v=8meYn_UFpJw#t=20
Canadian speaking Somali
Norwegian speaking Somali
Dutch speaking Somali
American Speaking Somali
German Speaking Somali
[ad name=”HTML-1″]
Another Random dude speaking Somali
French/English ? Speaking Somali
American Speaking Somali
Dutch Speaking Somali
Goobjooge.com