Dowladda iItoobiya ayaa ciidamo fara badan geysay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo dhowaan dagaal qaraar ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Alshabaab.
Ciidamada Itoobiya oo ah kuwo cusub oo aan ka tirsaneyn AMISOM ayaa wata Taangiyo, gawaarida gaashaaman iyo kuwa gaadiidka ciidamada qaada, waxayna fariisimo ka sameysteen degaanka Halgan.
Ciidamada Itoobiyaanka ee tegay Halgan ayaa la sheegay inay yihiin ciidamadii ugu badnaa ee Itoobiya ay geysto degaanka Halgan, iyadoo laga cabsi qabo in weerar rogaal celis ay Ashabaab ku qaadeen degaankaasi.
Dagaal lagu hoobtay oo dhimasho badan dhaliyay ayaa dhowaan Halgan ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Alshabaab iyadoo tirada dhimashada labada dhinac si weyn la isugu khilaafay.
Goobjooge.com