Sunday, July 13, 2025

Jaamacad China ku taalla oo soo saartay Daawo joojin karta Cudurka Coronavirus

Mid ka mida Jaamacadaha ugu magaca dheer ee dalka Shiinaha ayaa soo saartay Daawo awood u leh inay joojiso cudurka Covid-19, iyadoo tijaabadii koowaad ay kasoo gudubtay daawadaasi.

Daawadan waxaa diyaarisay oo tijaabadii xayawaanka ku sameysay jaamacadda caanka ah ee Peking University; waxayna sheegtay in Daawada aysan kaliya saacideyn bukaanka inuu degdeg u bogsado, balse ay sidoo kale u sameyneyso jirka qofka awood uu cudurka uga hortago muddo gaaban.

Madaxa qeybta jaamacadaasi ee magaalada Beijing Mr. Sunney Xie ahaa sheegay in lagu guuleystay tijaabadii koowaad ee xayawaanka lagu sameeyay, waxayna kordhineysaa awoodda jirku u leeyahay inuu isaga caabiyo cudurka Covid-19.

Waxaa Daawada ay hadda ku jirtaa tijaabada bani’aadamka iyo xayawaanka Doofaarka, iyadoo rajo laga qabo inay soo baxdo inta uu dhammaan sanadkan.

Waxaa hore dalka Shiinaha uga socday tijaabada shan tallaal oo loo sameeyay cudurka Covid-19, kuwaasoo hadda soo gaaray in dadka lagu tijaabiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON