Tuesday, June 24, 2025

Jaamacadda Carabta: “Hal Milyan oo Doolar ayaan gacanta ka saarnay Madaxweynaha Soomaaliya”

Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday inay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gacanta ka saartay Jeeg ay ku qoran tahay lacag gaareysa Hal Milyan oo Doolar oo qeyb ka ah taageeradii maaliyadeed oo dowladda Soomaaliya loogu talogalay in Miisaaniyadeeda lagu kabo kadib kulan dhex maray wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.

xasan-carabi

Xoghayaha ee Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si toos ah jeegaas ugu wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya kulankoodii maanta oo Isniin ahayd, Bayaan ay saxaafada siisay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay sidii degdeg loogu qaban lahaa kulanka deeq bixiyeyaasha ee dib u dhiska Soomaaliya oo la qorsheeyay in la qabto sanadka soo socda.

Arrimaha kale ee laga hadlay waxaa kamida sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa deynta dibadda looga leeyahay oo gaareysa 2000 Milyan oo doolar iyo sidii loo sii wadi lahaa kaalmada la siiyo dowladda Soomaaliyeed si ay cagaheeda isugu taagto.

Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii hore go’aamisay in Soomaaliya bil kasta la siiyo kaalmo dhan 10 Milyan oo doolar oo lagu kabayo miisaaniyadeeda, taasoo aan wax badan laga fulin marka laga reebo dalalka Suudaan, Aljeeriya iyo qaar kamida dalalka Khaliijka oo marka lacag u soo tuura Soomaaliya.

Lacagaha dalalka Carabta siiyaan Soomaaliya ayaa la sheegay inay maraan meel aan la ogeyn iyadoo miisaaniyadda dowladda laga reebo loona adeegsado arrimo kale. Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in lacago laga helay Suudaan oo dhan 2 Milyan oo Doolar loo adeegsaday mooshinkii lagu riday ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed, waxaana la arki doonaa lacagtan la shaaciyay sida madaxtooyadu ka yeeli doonto.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON