Jaamacadda SIMAD oo ka mida jaamacadaha ugu waaweyn Muqdisho ayaa guddoomiye cusub yeelatay sida lagu shaaciyay Bogga Jaamacadaasi ku leedahay FB. kadib markii guddoomiyihii Jaamacadaasi C/raxmaan Maxamed Hussein dhowaan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadii wasiirada noqday ee Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intaba ka mid ahaa madaxdii jaamacadaasi, waana tan keentay in C/raxmaan Odowaa xil wasaarad muhiim ah loo dhiibo.
Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada SIMAD ayaa noqday Dahir Hassan Carab oo ka midaa ku xigeenada guddoomiyaha Jaamacadaasi, wuxuuna shir guddoomiyay kulan bileedka Guddiga Waxbarasho ee Jaamacadda oo uu kasoo muuqan waayay guddoomiyihii hore. Lama oga in wasiirada cusubi la ansixin doono iyo in sidii hore Baarlamaanku diidi doono.
Goobjooge.com
Muqdisho