Tuesday, July 1, 2025

James Swan oo ka digay in Dhacdooyinkii 19-ka Febraayo ay halis ku yihiin Nabadda Somaliya

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia ayaa ka digay in xaaladda Soomaaliya ay ku socoto is mari waa’ halis ku ah geedi socodkii dowlad dhiska Soomaaliya wixii ka danbeeyay 19 Febraayo 201.

James Swan oo xaaladad Soomaaliya warbixin ka siiyey Shirkii Golaha Amniga ee arrimaha Soomalaiya looga hadlayey caawa ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca doorashada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollanka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-kii Febraayo ay carqaaladaysay shirkii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17. Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON