Wednesday, June 25, 2025

Jarmalka oo taageero gaar ah siinaya maamul Goboleedka Jubbaland

Jarmalka ayaa taageero u balan qaaday maamulka Jubbaland, taasoo isugu jirta dhinacyada ammaanka, dib u soo celinta qaxootiga iyo xaalada abaaraha.

Safiirka dowladda Jarmalka u fadhida Soomaaliya Jutta Frasch oo shalay gaartay magaalada Kismaayo iyo madaxdweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wada hadlay dhibaatooyinka dhanka nolasha ee ka taagan deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrimihii ay ka wada-hadleen ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, abaaraha iyo qaxootiga dib ugu soo noqonaya dalka Soomaaliya.

Safiirka Jarmalka, Jutta Frasch ayaa sheegtay in dowladeeda ay maamulka Jubbaland ka taageeri doonto wax ka qabashada arrimaha abaaraha iyo dhaqan celinta maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Jarmalka diyaar uma ahan kaliya inay caawiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya balse sidoo kale dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayey tiri Jutta Frasch.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON