Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Mooshinka qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ka qoreeen shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha aanu soconeynin oo xitaa haddii ay u codeeyaan Mooshinka 275-ta xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka aan loo joojineynin.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in shirku socdo ayna fadhiyaan odayaasha dhaqanka ciddii cabasho qabtana la xalinayo laakiin aysan arrintaasi ahayn mid quseysa Baarlamaanka Soomaaliya. “Haddii go’aan Baarlamaan soconayo waxaa la fulin lahaa kii Baarlamaanka ka gaaray Baarlamaanka Jubba” ayuu yiri Xildhibaanka oo ku celceliyay in dadka labada gobol ay aayahooda ka tashanayaan.
DHAGEYSO XILDHIBAAN JEESOW
Goobjooge.com