Monday, June 23, 2025

Jen. Max’ed Cali Samatar oo Mareykanka ku geeriyooday [Akhriso taariikhda Cali Samatar]

Allaha u Naxariistee waxaa  magaalada Viriginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Gen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dowladii Kacaanka ee Soomaaliya.

General Samatar ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu sareysay iyo ninkii labaad ee dowladii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida madxaweyne ku xigeen, wasiirka Gaashaandhigga, taliyaha ciidamada dalka iyo  Ra’siial wasaare.

Allaha u Naxariistee Gen, Maxamed Cali Samatar ayaa Darajada Ciidanka Meel fiican ka gaaray,waxaana uu ahaa Sareeye Guud oo ah Darajada Ciidan mida ugu sareeysa Soomaaliya. Waxaa lagu xusuustaa geesinimadii iyo dadaalkii dheeraa ee uu soo galay qaranimada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhintay da’da 85 Sano.

Ad

Madaxda dowladda Soomaaliye

TAARIIKHDA GEN. MAXAMED CALI SAMATAR


Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembisay dowladii ra’yidka ahayd.

- Advertisement -

Jen-SamatarSareeye Guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

- Advertisement -

S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.


Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON