Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya inuu saaka xirmay isku socodka jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii isbaarooyin la soo dhigay nta u dhaxeysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye, taasoo keentay in gaadiidleyda wadaddaasi adeegsada ay ka hor yimaadaan, iyadoo saaka bannaanbaxyo ka wada wadaddaasi.
Gaadiidka BL-ka ee Caasiyadda ayaa lagu gooyay jidka iyagoo far badan, waxaana gebi ahaan istaagay isu socodka gaadiidka. Banaanbaxayaasha ayaa u badan gaadiidka khudaarta ka keena degmada afgooye ee caasimadda u daabulla.
Dadweynaha u socday magaalada Muqdisho ayaa ku qasbanaadaya inay u soo lugeeyaan goobo ay ka heli karaan gaadiidka BL-ka ee geeya magaalada Muqdisho.