Monday, July 14, 2025

Jidka ugu mashquulka badnaa Magaalada Muqdisho oo xirmay & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaa Galabta ilaa Caawa xirnaa Wadadda ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ee Maka Almukarama, iyadoo la dhigay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugid isugu jira.

Ciidamada ayaa galabta xiray socodka Gaadiidka, iyadoo  Wadaddaasi laga xiray Isgoyska banaadir, taasoo keentay xayiraad iyo in dadweyne iyo gaadiid fara badan ay kasoo gudbi waayaan dhinaca kale ee magaalada, inkastoo markii dambe dib loo furay, haddana waxay ku soo beegantay xilli mashquul ah oo saameyn yeelatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay xiran tahay Wadada dheer ee isku xirta KM4 illaa Afisiyooni, lama sheegin sababaha rasmiga ah ee wadooyinkaan Ciidamada Dowladda ay u xireen, Laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in loo xiray xubno uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dan ka yeeshay Guri ku yaalla degmada Hodon oo tacsi loo tegay.

Dhinaca kale wafdi ka socda dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho yimaado maalinta Berri ah iyadoo uu  hogaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu. Madaxda la mida mas’uulkan ayaa wax jid ah hore loogu xirin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON