Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee Doorashada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo goor dhow ka hadlay xaruntiisa magaalada Wilmington ee Gobolka Delaware ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleysanayo codad ka badan 300 ergo cod, shacabkuna uu isagu doortay.
Biden oo khudbad u jeediyay shacabka Mareykanka ayaa sheegay inuu sugayo inta laga dhammeynayo tirinta codadka Doorashada, waqti kasta oo ay qaadato, wuxuuna si cad u sheegay inay jiraan dad doonaya in la joojiyo tirinta codadka, laakiin aanu aqbali doonin arrintaas; taasoo jawaab u ahayd war uu hore u soo saaray Donald Trump oo ahaa in la joojiyo tirinta codadka.
Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku horeeya Gobollada muhiimka ah ee Pennsylvania, Georgia iyo Arizona ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada faafitaanka cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalkaasi iyo dhaqaalaha, wuxuuna dadka Mareykanka u sheegay in isla marka uu xilka la wareego uu qorshe cad la imaan doono.
Dadka Mareykanka ayuu ugu baaqay inay midoobaan oo la joogo xilligii ay ka gudbi lahaayeen kala qeybsanaanta xisbiyada.
