Monday, June 23, 2025

Kabtanka kooxda Puntland oo safanaya ciyaarta fiinaalka [Maxaa is bedelay?]

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed  ayaa laga soo xigtay inaysan jirin wax khalad ah oo ku jira inuu kooxda Puntland

u safto ciyaaryahanka kabtanka u ah ee Cabdisalaan Dhiidhiye  oo  la sheegay inuu ka mid noqday xulka Qaranka Soomaaliya oo ay sharci darro ahayd inuu u safto kooxda Puntland.

Kabtanka kooxda Puntland Dhiidhiye ayaa hogaamin doona kooxdiisa Puntland waxayna arrintan meesha ka saareysaa warar la faafiyay oo ku saabsanaa inuu seegayi doono ciyaarta kama danbeysta ah ee beri oo talaado ah dhex mari doonta kooxda Jubaland iyo Puntland

Sida ku qoran xeerka tartanka waxaa tartanka maamul-gobolleedyada mamnuuc ka ah ciyaaryahan kasoo muuqday ama u ciyaara  kooxaha heerka koowaad ee  horyaalka kubadda cagta dalka, mana jiraan wax ka reebaya in Kabtanka Puntland uu kooxda degaankiisa u safto.

Kabtanka Puntland wuxuu hore uga mid noqday xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee sanadkii 2009 ee ka qeyb galay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxuuna sidoo kale qeyb galay ciyaaraha gobolada dalka ee sanadki 2010 lagu qabtay magaalada Garoowe isagoo kabtan u ahaa gobolka Sool.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON