Waxaa isa soo taraya diidmada lagala hor yimid heshiiska xalay lagu saxiixay magaalada Garowe ee maamulka Puntland ku aqbalay inuu qaato nidaamka doorashada 4.5 ee uu hore u diiday, iyadoo ay soo kordhayaan siyaasiyiinta, xildhibaanda iyo odayaasha Puntland ee diidan heshiiska.
Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay inay si toos ah u mucaaradaan heshiiska kuna tilmaamaan Madaxweyne Gaas inuu khiyaamay shacabka Puntland, isagana uu yaqaan meesha uu la aadi doono heshiiskaasi.
Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland ayaa ku eedeeyay C/weli Gaas inuu meel uga dhacay dadka Puntland, wuxuuna si cad u sheegay in Gaas ay doorteen Baarlamaanka Puntland, kuna hadli karin codka shacabka.
Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa isna hore u sheegay in heshiiska uu dhaawac weyn gaarsiiyay Puntland, sidaasina aan looga hari doonin ee tallaabo ay qaadi doonaan siyaasiyiinta iyo shacabka.
Waxaa jira kacdoon balaaran oo degaanada Puntland uga horjeedaan saxiixa iyo ogolaanshaha C/weli Gaas ku qaatay 4.5, waxayna wararku sheegayaan in laga cabsi qabo halis siyaasadeed oo soo wajahda madaxweynaha Puntland oo markii hore xaaladda meel xun gaasiiyay, gudaha iyo dibaddana u ololeeyay go’aan siyaasadeed oo isaga ku koobnaa markii hore.
Goobjooge.com