Wednesday, July 16, 2025

Kacdoonka Qowmiyadaha Itoobiya oo xoogeystay & Oromada oo oo laba kacleysay

Waxaa sii xoogeystay kacdoonka ay wadaan Qowmiyadaha dalka Itoobiya, waxaana bannaanbaxyadii ay soo gaareen caasimadda Addis ababa.

Bannaanbax weyn oo ay soo abaabuleen Oromada oo ah qowmiyada ugu badan dalka Itoobiya ayaa ka dhacay Adis ababa, waxaana Booliiska magaalada ay kala eryeen dadkii mudaaharaadayay, iyadoo la xiray tiro badan oo kamida.

Dadka oo isugu soo baxay fagaaraha ugu wayn magaalada ayaa la sheegay inuu xoog ku kala kaxeeyay Booliska. Ugu yaraan lix qof ayaa lasoo weriyay inay ku dhinteen iska hor imaadka iyadoo  tiro badan ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada ayaa cakirantay waxaana wadooyinka waaweyn xiray ciidamo fara badan. Waxaa kaloo  Mudaaharaadyo balaaran ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, iyadoo ay dadku dalbanayaan xoriyad.

 

Hay’adaha xuquuqda aadamiga ayaa ku eedeeyay dowladda inay dishay boqolaal dad ah oo bannanbax sameynayay, halka ay xasbiyada la dhigy kumanaan qof.

Kacdoonka dadka Itoobiyaanka ah, siiba Oromada ayaa sii kordhaya, waxaana la saadaalinayaa in Itoobiya ay ku socoto dariiq mugdi ah.

Kacdoonka Itoobiya1

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON