Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kormeeray xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana wehliyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shaqaale xoog leh oo Baarlamaanku leeyahay oo uu sheegay inay ku dadaaleen sidii shaqaalaha tababar heer caalami ah loo siin lahaa.
Shaqaalaha ayuu kula dardaarmay inay ammaanka ka shaqeeyaan, iyadoo guddiga amniga Baarlamaanka ay go’aano kasoo saareen hubin xaaladda ammaanka ee Golaha Shacabka.
Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay inuu Berito oo Bishu tahay 10 April uu furmi doono kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka oo ah fadhigii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka hadda jira oo waqtigiisu ku eg yahay Ogost 2015.
Shirka Baarlamaanka ayaa ka barbar furmaya shirka Madasha Qaran ee madaxda maamulada Soomaalida iyo madaxda dowladda Federaalka iyadoo la sii gelayo xaalad kala guur ah.
Goobjooge.com