Tuesday, June 24, 2025

Kalfadhiga Baarlamaanka oo la xirayo bartama bishan & Mooshinkii Madaxweynaha oo…

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda u socda xildhibaanada ayaa la sheegay in la xiri  doono, lana soo gabagabeyn doono 16-ka Bishan September oo ku beegan Khamiista fooda nagu soo heysa.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya  oo maanta shir ku yeeshay xarunta Villa  Hargeysa ee  magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sharuucda hor yaalla golaha, xiritaanka kalfadhiga 6-aad Barlamaanka iyo  hiigsiga 2016.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoominayay shirka waxayna xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka  isku  raaceen in 16-ka September  uu xirmo kalfadhiga 6aad ee Barlaamaanka. kalfadhiya 7-aad ayaa furmi doona 15 oktoobar 2015.baarlamaanka

Cabdikariin  Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha Golaha shacabka ayaa sheegay fasaxa Xildhibannada  uu yahay muddo  laba bilood ah, laakiin lagu soo koobayo Bil ah fasax ah iyadoo la gelayo wada-tashiyada  ku saabsan hiigsiga 2016-ka.

Xiritaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka iyadoo aan meel la saarin mooshinka madaxweynaha ayaa sii nuxur beelinaya mooshinka oo hadda ay socoto qorshe wadahadal iyo waanwaan laga galayo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON