Monday, July 14, 2025

Kashifaad: Labadii xildhibaan ee diiday in ciidamada Kenya laga saaro Somalia, lana saftay Kenya

Waxaa la kashigay labadii xildhibaan ee  qura oo diiday qaraarkii ka dhanka ah dowladda Kenya ee baarlamanka Soomaaliya uu u codeeyey laba maalin kahor, kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Kenya laga saaro dalka Soomaaliya.

Labada Xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarka u kasoo jeeda beesha madaxweynaga Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo aad ugu dhow hogaamiyahaasi iyo dalka Kenya, waxaana lagu kala magacaabaa:

  1. Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ah wasiiru dowladdaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya
  2. Xildhibbaan Axmed Aabi Aaden oo ka mida xildhibaanada ugu afka dheer Baarlamaanka.

Xildhibaan Axmed Aabi ayaa ku dooday “Dastuurka ayaa qeexaya xaduudaha Somalia waana lama taabtaan sidaas darteed waxaan u diiday inaan Xukumadda kula xisaabtano”.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federalka ayaa hore ugu caan baxay taageerada Axmed Madoobe, isagoo hore u shaaciyay mowqifyo la yaab leh oo dad badan ku ceebeeyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON