Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD: Maamulka G/Banaadir oo iibiyay dhulkii Dan guud ee Trebuunka & hantidiisa oo Doorasho lagu galay

Dhulkii danta guud ku yaala galbeedka fagaaraha Trebuunka ayaa la sheegay in la iibiyay kadibna lagu galay doorashadii dhismaha maamulka Hirshabeelle.

Dhulkan oo ku yaala degmada Hodon ee Gobolka Banaadir wuxuu ka kooban yahay 128 Boos oo midkiiba cabirkiisu yahay 20x15m, waana dhulka u dhaxeeya Fagaaraha Trebunka ilaa isbitaalka Digfeer.

Dhulkan ayaa la sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka iibiyay ganacsato iyo dad kale oo sheegtay inay degan yihiin dhulkaas danta guud ahaa oo lagu tilmaamay Obosiibo, waxaana lacagta ka soo xarooday la sheegay inay ka badan tahay 2 Milyan Doolar.

Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u danbeeyay kaalin weyn lu lahaa lacagaha lagu bixinayo laaluushka doorashada, waxaana si weyn looga dareemay doorashadii Hirshabeelle, iyo xubnaha labada aqal ee lagu doortay Jowhar oo lacago fara badan ay geeyeen iyo olole doorasho oo ay ku taageereen musharixiin dhowr ah.

Ganacsatada Dhulkan la wareegtay ee dowladda hoose ee Muqdisho ka u sharciyeysan magacyadooda, Qoraalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku amray in iibiyo dhulkaasi iyo naqshsada cabrirka dhulka waxaa ka akhrisan kartaa qeybta hoose:

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON