Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay tahay Wasaaradda ugu musuqmaasuqa badan xukuumadda Soomaaliya marka la fiiriyo hanti ay ku qaado xisaab ka baxsan tan dowladda u diiwaan gashan ee xisaabiyaha guud ee dowladda hoos timaada.
Wasaaradda maaliyadda ayaa dhowaan ka sheegtay shirarkii Golaha wasiirada in wasaaradda warfaafinta ay qaado lacago kala duwan oo si madax bannaan iyadu isaga qaadato iyadoo aanay dowladda waxba kala socon xisaabiyaha guud dokumentiyadiisana aan ku soo bixin.
Sidoo kale hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa wareysi uu shalay 5 July 2015 siiyay VOA laanta Af-Soomaaliya ku eedeeyay wasaaraddani inay TV-gaQaranka u adeegsato ganacsi ahaan, halkii ay ahayd in dadka laga wacyi geliyo.
Haddaba markii Goobjooge.com dib u eegis ku sameysay arrimahan oo dhami, waxaa u soo baxday:
1 – In wasaaradda Warfaafinta muddo dheer ku dhaqmeysayqaadistalacagoaan u diiwaan gashaneyn dowladda oos haridarro ah.
2 – In wasaaradani ay leedahay boonooyin ay lacag ku qabato oo iskeed ay suuqa uga sameysatay.
3 – Iyo inay heshiisyo la gasho dhinacyo kala duwan oo aan la soo marin dowladda iyo baarlamaanka midna.
Waxaa xusid mudan inay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya lacagaha kasoo galaan ilo ay kamid yihiin:
1 – Heshiis baahin ah oo ay kula jirto Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) si barnaamijyada laanta Afka Soomaaliga looga baahiyo Radio Muqdisho
2 – Diiwaangelinta Warbaahinta kala duwan sida (TV-yada iyo warbaahinta caalamiga ah), TV-yada gudaha, Idaacadaha iyo qeybaha kale ee warbaahinta
3 – Khidmo sanadeed laga qaado Idaacadaha ka jira Muqdisho iyo Frequency bixin
4 – Iidhehyada ka baxa Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.
5 – Iyo Ilo kale oo deeq u badan oo aan lagu xisaabtamin
Dhammaan lacagaha ka yimaada ilahaas kala duwan ee wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka waxay ku dhacaan jeebab shaqsiyaad mas’uuliyad haya mana xaroodaan dowladda, lamana oga meesha ay ku baxaan, lacagahaas qaarkood ma laha wax boono (receipt) ah sida uu Goobjooge.com u xaqiijiyay mid ka mida milkiilayaasha Warbaahinta Muqdisho oo sheegay inuu mid ka mida agaasimeyaasha wasaaradda ka codsaday in la siiyo boono caddeyneysa lacagta laga qaaday oo ahayd sanadle, balse uu ka waayay.
Sidaasoo ay tahay wasaaraddani waxaa ku baxda miisaaniyad badan oo dowladda u qoondeysay, waxaana laga hormariyaa bixinta shidaalka Radiyo Muqdisho iyo kirada satelite-ka TV-ga Qaranka mushaarka ciidamada…!! sida uu dhowaan baarlamaanka hortiisa ka xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Maxamed Adan Fargeeti.
Tusaale ahaan Miisaaniyadii 2014 waxay wasaaradda warfaafinta looga qoondeeyay lacag ku dhow 3 Milyan oo doolar, waxayna ahayd 2,984,012 (Laba Milyan sagaal boqol sideetan iyo afar kun iyo toban iyo laba doolar). Waxaa la yaab lahayd in lacagta ay wasaaradda warfaafinta qabatay kuna shubtay Bankiga dhexe sanadka 2014 oo dhan ay tahay: $3,900 (saddex kun iyo sagaal boqol doolar).
Wasiir kasta oo wasaaradani madax ka noqda wuxuu dhexda uga dhacaa koox mas’uuliyiin kala duwan ah oo ku xidideystay wasaaradda, wuxuuna la qabsadaa kooxdaasi oo dano hoose kula heshiisa.
Ma jirto cid ka hadashay arrintan, waxaan kaloo jirin isla xisaabtan golayaasha dowladda dhexdooda ah oo wasiiradu ka tirsan xukuumadda way iska heybeystaan, laakiin waxaa ammaan mudan hanti-dhowrka guud oo arrimo badan oo wasaaradani ka mid tahay gacanta ku haya.
Ma aha oo kaliya in dowladda Soomaaliya ka maqan tahay lacago badan oo hay;ado dowladeed leexsadaan iyo in Wasaaraddan oo kaliya ku kooban tahay, waxaanan qormadeena labaad kusoo bandhigi doonnaa wasaarado iyo hay’ado kale oo hanti dowladeed si gaara u qaata.
Goobjooge.com