Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay tallaabo dad badan ka yaabisay markii uu shalay ku dhawaaqay inuu wado qorshe lagu mamnuucayo in lacaga laga qaado dadka taga Beerta nabadda ee Muqdisho.
Gudoomiye Taabit ayaa ku dooday in Beerta Nabadda ay tahay meel loogu tala galay in Bulshadda Soomaaliyeed ay damaashaad u yimaadaamn, islamarkaana ganacsatada Beerta Nabadda laga doonaayo in ay hakiyaan lacagaha lagu galo beerta.
Sida la ogyahay Beerta Nabadda waxay dowladda Hoose ee Muqdisho ku wareejisay ganacsato reer Muqdisho ah oo maalgashi ku sameeyay iyadoo heshiis ay kala saxiixdeen dowladda iyo ganacsatadaasi waxayna Beertaasi noqotay hanti gaara oo ganacsi, iyadoo aan muddo sanado ah sidaasi ku shaqeyneysay.
Beerta Nabadda waxay ka mid tahay hanti fara badan oo Qaranku leeyahay oo shirkado gaara ay dowladihii dalka soo maray ku wareejiyeen Ganacsato iyo shaqsiyaad gaara, waxayna sida Hotelka SYL ee dhabarkiisa ay ku taallo, waxaana jira tobanaan xarumood oo Soomaali iyo ajnabi ah ay qaabkaasi ula wareegeen.
Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu tallaabadan u qaaday inuu cadaadis ku saaro ganacsatada maalgashatay beerta arrintan oo dhanna ay tahay cadaadis ujeedkiisu yahay dhaqaale.
Goobjoooge