Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii ka eryay afhayeenkii xukuumadda Soomaaliya C/casiis Cabdi Xaaji Goobdoon.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Ra’iisal wasaare Kheyre dabagal uu sameeyay ka waayay Afhayeenka shahaado sare oo mihnadiisa ah, isla markaana uu ku tilmaamay mid da’ ahaan iyo waaya-aragnimo ahaan aanu xilkaasi qaadi karin.
Tallaabada shaqada looga eryay afhayeenka xukuumadda ayaa kadib waxaa qaaday wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo amar ka heysta Ra’iisal wasaaraha, waana tallaabadii ugu horeysay ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha shaqaale ka tirsan lagu eryo.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ka mida hay’adaha dowladda ugu shaqaalaha badan, waxaana ka buuxa shaqaale fara badan oo aan aqoon lagu qorin, lamase oga sababta afhayeenka kaliya diiradda loo saaray.
Afhayeen C/casiis Cabdi Xaaji ayaa xilkan loo magacaabay xilligii Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid markii ay xilalka isaga tageen laba afhayeen oo ka horeysay, waxaana da’diisa lagu sheegay 24 sano jir uu dhalay Allaha u naxariistee Ruugcaddaadii saxaafadeed ee caanka ahaa Cabdi Xaaji Goobdoon.
Goobjooge.com
Afhayeen cusub oo loo magacaabay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha & Xukuumadda Somaliya