Sunday, July 13, 2025

Kenya oo C/rashiid Janan diyaarad ku geysay Degmada Beledxaawo & Qorshe looga hortegayo dowladda Somalia oo..

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ay dowladda Kenya kasoo duulisay magaalada Nairobi, isagoo gaaray degmada Beledxaawo.

Wararka ayaa sheegaya in C/rashiid Janan dowladda Kenya ay diyaarad saaka uga qaaday magaalada Nairobi, iyadoo ka dejisay degmada Beledxaawo, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyne kusoo dhoweynaya. Sida degdega ah ee C/rashiid Janan ku gaaray degmada Beledxaawo, isagoo gacan ka helay dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah ka hortegga abaabulka ay dowladda Federaalka ka wado Gobolka Gedo.

C/rashiid Janan oo ka baxsaday magaalada Muqdisho ayaa Jicmihii hore gaaray magaalada Kismaayo, isagoo isla maalintaas tegay magaalada Nairobi, markii dowladda Kenya ay diyaarad uga qaaday Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan geysay Gobolka Gedo si ay maamulka Jubbaland ugala wareegto degmooyinka gobolka Gedo ee ay gacanta ku hayaan sida Beledxaawo iyo Doolow oo taageerayaal badan uu ku leeyahay C/rashiid Janan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON