Thursday, June 26, 2025

Kenya oo dhaqaale badan ku weysay halista Alshabab ee gudaha Kenya

Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku shirayay magaalada Kampala waxa ay go’aan ku gaareen inay dhistaan dhuul weyn oo shidaalka ka qaada Ugandha oo gaarsiiso Tanzaniya.

Dhismaha dhuuntan waxaa la filayaa inay ku baxdo lacag gaareysa afar bilyan oo dollar, sidoo kalena shaqa abuuris ay u noqota 15,000 oo qof.

Dhowaanahan ayaa gobolka Bariga Afrika waxaa laga helay shidaal iyo saliid, taas oo soo jiidatay maalgashadayaasha caalamiga ah.

Shirkadda Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska waxa ay sheegtay inay heshay heshiiska maalgelinta dhuuntan dalalka Kenya, Ugandha iyo Tanzaniya ay sameysanayaan.

Arrintan weli waxaa ka jiro muran, sababtoo ah Ugandha waxa ay horey u dooneysay in shidaalkeeda cayriinka ah la mariyo Kenya.

Kenya oo dhulkeeda shidaal laga helay waxa ay horey Ugandha ula saxiixatay in dalkeeda la mariyo dhuuntan.

Laakiin shirkadda Total ayaa arrintaasi diiday iyadoo ku andocooneysa qeybo kamid ah Kenya in aysan amni ahayn.

Arrinta ugu weyn ee ay diidanayd shirkadda waxay ahayd kooxda Alshabaab cabsida laga qabo, taas oo weerartay qeybo kamid ah Kenya oo la qorsheynaayay in dhuunta la mariyo.

Hase yeeshee, ujeedada ugu weyn ee heshiiskan waxa uu salka ku hayaa in suuqyada caalamka lagu arko shidaal bariga Afrika laga soo saaray.

Ugandha wxaa la sheegay inay yeelan doonto soosaarka ugu badan oo lagu qiyaasayo 6.5 bilyan oo barmiil.

Waxayna qorsheyneysaa in 2018ka ay bilowdo soosaaridda saliid iyo shidaal ceyriin ah. shirkadaha Total oo Faransiiska laga leeyayay, CNOON oo Shiinaha ah, iyo Tullow oo Britain laga leeyahay ayaa qandaraasyada ugu badan qaatay.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON