Thursday, July 17, 2025

Kenya oo fashilisay weerar ay qorsheeyeen koox Daacish ka tirsan [DAAWO SAWIRRO]

Booliska Dalka Kenya ayaa shaaciyay inay fashileen qorshe weerar ah oo kooxda khilaafada islaamiga ah ee Daacish qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Kenya.

War ka soo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in shabakad uu madax ka ahaa nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali ay waday qorshe dhalinyaro Kenyaan ah loogu dirayo dalalka Siiriya iyo Liibiya, waxaana ninkan oo wax ku bartay jaamacada caalamiga ah ee Kampala ay xabsiga dhigeen Booliska Kenya.

Waxaa kaloo Booliska Kenya uu soo bandhigay sawirada saaxiibada Maxamed Cabdi oo la baadi goobayo iyadoo dadka looga digay. Waxaa kaloo dalka Uganda lagu qabtay xaaska Maxamed Cabdi Cali, iyadoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro la mida kii Westgate.

Marka laga reebo madaxa kooxdan Maxamed Cabdi  Cali waxaa liiska Booliska Kenya soo bandhigay ka mida: Axmed Hiish iyo Faarax Dagane.

HOOS KA AKHRI QORAALKA BOOLISKA KENYA, DAAWO SAWIRRADA KOOXDAN

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON