Sunday, July 13, 2025

Kenya oo ka carootay Jeneral shaqada laga eryay [Ciidamadeeda oo ay kala baxeyso K/Suudaan]

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga carootay kadib markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa xilkii ka qaadey taliyihii ciidamada Nabad ilaalinta ee Koonfurta Suudaan oo u dhashay dalka Kenya.

Xil ka qaadista taliyaha reer Kenya ee Gen. Johnson Mogoa ayaa ka dambeysay fashil iyo fadeexad weyn oo ciidamada UN-ka ka soo gaartay howshii nabad ilaalinta ee Koonfurta Suudaan oo ay ku fashilmeen inay difaacaan dadka shacabka ah.

Gen. Johnson Mogoa
Gen. Johnson Mogoa

Warbixin laga diyaariyey rabshadihii ka dhacay bishii Luuliyo magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan ayaa  lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalintu ay difaaci waayeen dadka rayidka ee hortooda lagu kufsadey oo ay ka mid ahayeen haween u shaqeynaayey hay’adaha gargaarka.

Warbixinta aya si toos ah u eedeyneysa Gen. Johnson Mogoa oo u dhashey dalka Kenya una sareeyey ciidanka Qaramada Midoobey inuu hogaankiisu ahaa mid fashilmay, iyadoo shaqadii laga eryay warbixinta kadib.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa war kulul soo saartay iyadoo ku eedeysay Qaramada Midoobay inay kala tashan xil ka qaadista taliyaha, waxayna ku dooday in mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jubba inay ahayd mas’uuliyad wadareed aan loo raacan karin taliye qura.

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ciidankeeda ku sugan Suudaanta Koonfureed kala baxeyso iyadoo  diidan xil ka qaadista lagu sameeyay Gen. Johnson Mogoa oo UN-ku ku sheegay taliye fashilmay.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Suudaanta Koonfureed oo ka mida kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa gaaraya 1200 askari iyagoo ka mida howlgalka UNMISS.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON