Tuesday, July 15, 2025

Kenya oo ku adkeysatay inaysan ka noqoneynin dhismaha Derbiga xuduudka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa si cad u sheegay in dowladda Kenya aysan marna dib uga laaban doonin go’aankeeda ah inay Derbi  dheer ka dhisto xadka ay la wadaagto dalka  Soomaaliya, isagoo sheegay in Derbiga looga hortegayo weerarada argagixiso ee uga yimaada kooxda Alshabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Joseph Nkaissery
Joseph Nkaissery

‘’Haddii nabad ay ka dhalato Soomaaliya, anagoo kaashanayna Dowladda Soomaaliya waxaan burburin doonnaa Derbiga’’ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo saxaafadda dalkaasi ay soo xigatay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay talaabadan Xukuumadda Kenya ay darbi uga dhiseyso inta u dhaxeysa Mandheera iyo Beledxaawo, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay si cad u sheegeen in Derbigaasi aanu waxba ka tareynin nabadda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON