Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dhoofin doonto shidaal markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi bisha June ee sanadka 2017.
Kenya ayaa soo saari doonta marka hore kumanaan Fuusto maalintiiba, iyadoo kadib la kordhin doono. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadankisu doonayo inuu noqdo wadan dhoofiya shidaal badan muddo laba sano gudaheed ah.
Shidaalka Kenya oo laga helay afar sano ka hor Galbeedka Keny, gaar ahaan magaalada Lokichar ayaa lagu soo qaadi doonaa baabuur iyadoo la keenayo dekadda Mombasa, waxaase la filayaa in muddo kadib loo wareejiyo Dhuumaha shidaalka qaada oo dhismahoodau ka socdo dalkaasi oo shidaalka geyn doona magaalada Lamu.
Goobjooge.com