Tuesday, June 24, 2025

Kenya oo ku dhawaaqday waqtiga la xirayo Xeryaha Qaxootiga Soomaalida

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday goor dhoweyd waqtiga la xirayo xeryaha Qaxootigaee ku yaala dalka Kenya oo Soomaalidu ku jirto.

Wasiirka Amniga gudaha Kenya Joseph Nakaseiri ayaa sheegay in bisha Novembar ee sanadkan albaabada la isugu laabayo xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma, isagoo intaas ku daray in go’aanka dowladda Kenya uu yahay mid kama danbeys ah.

Go’aanka Kenya ayaa ka danbeeyay codsiyo badan oo Q/Midoobay iyo dalal badan ay Kenya u jeediyay inay dib uga laabato go’aankeeda dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Dhinaca kale shir ay magaalada Nairobi ku yeeshaan wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar iyo Kenya Aamina Mohamed ayaa looga hadlay arrintan, waxayna Wasiirka arrimaha dibadda Kenya sheegtay in dib u celin qaxootiga ay u dhici doono si bani’ aadamnimo leh.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Kenya ku sugan yahay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta uu kulan la qaatay dhigiisa Kenya iyo madaxda Hay’adda UNHCR.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON