Wednesday, July 9, 2025

Kenya oo ku eedeysay Ciidamada dowladda (SNA) inay ku lug lahaayeen weerarkii Ceelcade

Baaritaan dowladda Kenya ku sameyneyso weerarkii Ceelcade, Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya lagu qaaday ciidamadooda ka tirsan AMISOM oo qasaare weyn ka soo gaaray ayaa dhaliyay su’aalo dhowr ah oo si toos ah ugu eedeynaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliye ee halkaas ku sugnaa inay lug lahaayeen weerarka Alshabaab soo qaaday.

Sida uu qoray wargeyska Standrard Guddiga baarista ciidamada Kenya waxay is weydiiyeen su’aalo si toos ah u tuhmaya ciidamada Soomaalida ee ku sugnaa xero ku dhow xerada ciidamada Kenya lagu laayay oo iyagu isaga baxay goobtaasi intii aanu weerarku dhicin saacado yar ka hore.

Su’aalaha guddiga baarista ay raadinayaan waxaa ka mida:

  1. Weerarka ku bilowday xaruntii isgaarsiinta ciidamada Kenya iyo cidda xogtaasi adag bixisay.
  2. Baarista xiriirkii ugu danbeeyay ee dhex maray taliyeyaasha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ka hor weerarka.
  3. Talaabada ay qaadeen taliyeyaasha ciidamada Soomaalida markii weerarki dhacay
  4. Sidee ciidamada Soomaalida uga baxeen saldhigooda ka hor weerarka

Abaanduulaha ciidamada Kenya General Samson Mwathethe ayaa xaqiijiyay weeraarkii koowaad oo qarax ahaa lala beegsaday xaruntii taliska iyo isgaarsiinta ee ciidamada Kenya taasoo keentay in ciidamada la weeraray ay sameyn waayaan wax xiriir ah oo ay ku dalbanayaan gurmad.

Wararka ayaa sheegaya in kadib weerarkii Ceelcade isbedel weyn ku dhici doona xiriirka ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ee ay wada shaqeyn jireen, waxaana Kenya u muuqataa inay shaki weyn ka qabto ciidamada Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON