Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay muddo lix bilood ah la siin dooni si ay uga soo jawaabto dacwadda Badda ee Soomaaliya ka gudbisay kiiska Badda.
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay go’aanka Maxkamadda uu yahay mid iyada ay gacanta ku heyso, balse ay filayaan in la siin doono Kenya mudo ku siman 6 Bilood, oo ay kaga soo jawaabi doonto dacwadda ka taalla Maxkamadda, kadibna lix bilood oo kale ay qaadan karto in dacwadu bilaabato.
Wuxuu sheegay inaan la ogeyn sida maxkamadu u dhaqmi doonto balse ay tahay arrin aan la saadaalin karin, laakiin guushii wejiga hore ay Soomaaliya heshay ay ahayd tallaabo weyn oo ay iska kaashadeen dowladda, qareenada iyo umadda oo dhan.
Dacwadda iyo difaacadda Badda ayuu sheegay inay socotay muddo laba sano ah, isla markaana dadaal aan loo kala harin lagu bixiyay.
Goobjooge.com