Thursday, July 17, 2025

Kenya oo laba Madaxweyne yeelaneysa & Dowladda oo hawada ka saartay Telefishan Caan ah

Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu maanta yeesho laba madaxweyne kadib markii mucaaradka ay hoggaamiyahooda Raila Odinga u dhaariyaan xilka Madaxweynaha dalkaasi.

Tallaabadan Raila Odinga ku dhaqaaqay ayaa xiisad weyn ka abuurtay dalkaasi, waxaana ciidama fara badan la dhigay magaalada si ay uga hortagaan is caleemo saarka hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi oo la qorsheeyay inay dhaarintiisa ka dhacdo fagaaraha caanka ah ee Uhuru Park.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa hawada ka saartay Telefishanka & Raadiyaha caanka an ee Citizen, waxaana warbaahinta dalkaasi ee baahisa dhaarinta Raila Odinga loogu hanjabay in lagala noqon doono ruqsadda. Warar kale ayaa sheegaya in NTV isna hawada laga saaray si uusan u tebin dhaarinta Raila Odinga.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay ku qulqulayaan fagaaraha Uhuru, halka ciidamada ay isku dayeen inay celiyaan qaar ka mida taagereayaasha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON