Tuesday, July 15, 2025

Kenya oo shaacisay inuu Dalkeeda soo galay Madixii Amniyaadka Alshabab ee G/Banadir oo gacanta ugu jiray dowladda Somalia

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ayaa shaaciyey inuu dalka Kenya soo galay ninka lagu magacaabo Ciise C/khaliif Cabdi (Ciise Trabuun), iyagoo soo bandhigay muuqaalkiisa, iyagoo dadka ka dalbaday qofkii aragta inay Booliska ugu wargliso si degdeg ah.

Booliska Kenya ayaa caawa sheegay in Ciise Trebuun ay rumeysan yihiin inuu dalka Kenya galay 24-kii Bishan September 2019, waxayna dadweynaha dalbadeen ciddii warkiisa heysa ama aragta inay si degdeg ah ula xiriiraan ciidamada Booliska, iyadoo arrintan ay noqoneyso mid la yaab leh sababtoo ah ninkan wuxuu gacanta ugu jiray dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2017.

-Madixii Aminiyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Dowladda Somalia gaar ahaan Wasaaradda Amniga ayaa shaacisay 19-kii June 2017 inay gacanta ku dhigeen madixii Amniyaadka Alshabaab ee G/Banaadir Ciise Trabuun oo lagu qabtay howlgal ka dhacay suuqa Bakaaraha, wuxuuna xilligaasi sheegay wasiirka Amniga in maxkamad lasoo taagi doono.

Lama oga halka uu ku dambeeyay Ciise Trabuun, markaas kadibna lama maqlin maxkamad lasoo taagey, waxaana warkan Booliska Kenya shaki gelinayaa qaabka sirdoonka Soomaaliya u shaqeeyo.

HOOS KA AKHRISO WARARKA CIISE TREBUUN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON