Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay keyd baaxad leh oo Gaaska dabiiciga ah, kaasoo laga helay degaanka Soomaalida Itoobiya.
Sida ay shaacisay Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya waxaa Shirkadda Ingiriiska ee loo yaqaan New Age (African Global Energy Ltd) ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd Gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion, kaasoo ah keyd baaxad leh.
Guang Tulam Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia ayuu kasoo xigtay Wargeyska The Reporter in shirkadda oo baaritaan in muddo ah ka waday degaanka Soomaalida Itoobiya ay degaanka Hala-guran ka heshay keyd Gaaska dabiiciga ee gaaraya 1.6-ka Trillion.
Soo saarista Gaaskan waxaa raadineysa Shirkadda Mareykanka ah ee Greencom , iyadoo soo soo jeedisay qorshe ku saabsan ay Gaaskaasi ugu bedelayso Shidaalka noocyadiisa kala duwan, ayna isticmaasho teknooloojiyadda GTL oo gaaska dareere u badeli karta, kana dhigi karta Saliidd ama Gaas.